Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku gacan seyray inuu maalinta berri ah tago xafiiska xeer ilaaliyaha Qaranka oo looga yeeray.
Wasiir Beyle oo qoraal soo saaray ayaa caddeeyay in looga baahan yahay xeer ilaalinta inay soo marto xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda kaasoo uu xusay inuu u xilsaaran yahay difaaca heyadaha Qaranka.
Wasiir Belyle ayaa qoraalka ku yiri” Difaaca Hay’adaha iyo masuuliyiinta dowladda waxaa u xilsaaran Garyaqaanka dowladda marka xeer ilaaliye xafiiskaagu ha u hugaansamo xeerarka dalka”
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA