Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Meydadka dad badan oo laga helay goob lagu Caweeyo oo kutaalla dalka Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saakay meydadka dad badan oo dhintay iyo dhaawacyo lagu arkay goob lagu caweeyo oo kutaalla magaalada East London ee dalka Koonfur Afrika.

Warbaahinta dalka Koonfur Afrika ayaa ku warantay in saakay lagu arkay goobta lagu caweeyo laguna cabo qamriga ee Enyobeni Tavern, meydadka dad gaaraya 17-qof iyo dad kale oo dhaawac ah .

Afhayeen u hadlay booliiska Gobolka Estareen Cape ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ay ku ogaanayaan waxa sababay geerida tirada badan ee ka dhacday goobta lagu caweeyo.

Ciidamada booliiska magaalada East London iyo kooxaha gurmadka degdega ayaa gaaray goobta lagu arkay meydadka iyo dhaawacyada, waxaana halkaasi ka socda baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo gaaray Baydhabo & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Jubbaland oo eedeysay DF, soona dhoweysay hadalka QM & Maraykanka

Caydiid Ali

Muuse Biixi “Boqolkiiba 95% umaddii way diiday in ay u soo baxaan Mucaaridka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---