Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo waramayaa in xabsi kasii deysay maxbuuskii ugu da’da yaraa ee dowladda u xirnaa, wiilkan lasii daayay ayaa dhoor sanno ku qaatay xabsi kuyaalla Sacuudiga.
Murtaja Qureiris, ayaa ciidamada ammaanka ee Boqortooyada Sacuudiga xireen isaga oo 13-sanno jir ah, waxaana wiilkan yar lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa banaan baxyo Sacuudiga ka dhacay 2011-kii oo dowladda looga soo horjeeday.
Wiilkan ayaa la xiray sannadkii 2014-kii xilligaas uu ahaa 13-sano jir, waxa uuna wiilkan yar ee ka qeyb galay banaan bax dowladda looga soo horjeeday wajahaya xukun dil ah ,balse markii dambe xukunkaasi loogu bedelay xabsi.
Murtaja Qureiris, ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa maxbuuskii ugu da’da yaraa ee Boqortooyada Sacuudiga u xiran ee loo xiro ku lug lahaanshaha mudaaharaadyo siyaasadeed oo dowladda looga soo horjeeday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com