17 nin oo muddo burcad-badeednimo ugu xirnaa dalka Cumaan ayaa maanta laga soo dejiyey Dekedda Magaalada Boosaaso.
Raggan oo dhalinyaro u badan ayaa Cumaan ku xirnaa muddo ka badan 12 sano ka diob markii maxkamad ku taalla dalkaas ay ku xukuntay xabsi daa’in
Sii deynta raggan ayaa timid ka dib dadaalo ay sameysay safaardda Soomaaliya ee dalka Cumaan, waxaana weli dalkaas ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku eedeysan burcad-badeednimo.
Soomaali fara badan oo ku eedeysan burcad badeednimo, tahriib iyo fal dambiyeedyo kale ayaa ka buuxa xabsiyada dalal ka tirsan caalamka.