Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada golaha shacabka oo Codka Kalsoonida u qaaday Ra’isul Wasaare Xamse

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw codka kalsoonida u qaaday Ra’isul Wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.

Kulanka maanta isugu yimaadeen xildhibaanada golaha shacabka waxaa soo xaadiray 220-Xildhibaan ,waxaana guddoominayay kulanka kalsooni siinta Ra’isul Wasaaraha cusub Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in dhammaan xildhibaanada kulanka soo xaadiray ee 220-ka,  codka kalsoonida siiyeen Ra’isul Wasaaraha cusub, mana jirin wax xildhibaan ah oo diiday ama ka aamusay  kalsooni siinta Xamse Barre.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee goordhaw helay codka kalsoonida xildhibaanada ayaa lagu hor dhaariyay xildhibaanada,waxaana la filayaa in dhawwaan xilka si rasmi ah ula wareego sidoo kale uu soo dhiso xukuumad cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade

Warbixino cusub oo laga helay kulankii Xassan Shiikh & Erdogan

Caydiid Ali

Guddoomiyihii Garasbaaley oo la aasay iyo Masuuliyiin janaaso ku tukaday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---