Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab jidka u galeen gaari bas ah oo waday rakaab, kusii jeeday magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Dableyda hubeesan ayaa la sheegay in ay istaajiyeen gaari bas ah oo laheyd shirkadda Al Mukaram xilli uu marayay inta u dhaxeysa deegaanada Dabacity iyo Dimu, waxa ayna dadkii saarnaa ku amreen in baska kasoo degtaan.
Al Shabaab ayaana la sheegay in gaariga baska ah ka dhax raadiyeen dad aan muslim aheyn oo gaariga la socda , waxaana la sheegay markii dambe in Al Shabaab muddo saacad ka badan muxaadaro u jeedinayeen dadkii baska la socday.
Wargeyska The Daily Nation, ayaa qoray in Al Shabaab labo isku qeybiyeen intii baska heesteen qaar muxaadaro diini ah dadka u jeediya iyo kuwa kale oo duurka galay oo ilaalo u hayay dagaalyahanada muxaadarada u jeedinayay dadka rakaabka ah.
Al Shabaab ayaa gudaha Kenya gaar ahaan gobolada Waqooyi Galbeed ka fuliya howlgalo gaar ah ay ku beegsadaan gaadiidka iyo ciidamada Kenya, waxaana cabsi badan lasoo daristay basaska u kala goosha gobolada Waqooyi Bari Kenya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com