Allbanaadir.com
NEWS

Shacabka Muqdisho oo qaati taagan iyo dowladda cusub oon weli tallaabo qaadin

Magaalada Muqdisho waxaa kusii badanaya burcada hubeesan ee qaarkood xiran dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaa oo habeen iyo maalin dadka ku dhaca wadooyinka xaafadaha iyo goobaha la isugu tago.

Burcada hubeesan oo inta badan isticmaala mootooyin ayaa gaaf wareegaya wadooyinka xaafadaha Muqdisho qaarkood, waxa ayna horey usii dhacaan cid kasta oo kahor timaada inta ay falalka burcadnimada ku jiraan.

Kooxaha burcada hubeesan ayaa wata qoryo, biskoolado iyo kuwa kale oo adeegsada tooreeyo, waxa ayna mararka qaarkood dhibaatooyin gaarsiiyaan dadka isku dhajiya telfoonada iyo agabka kale ee laga dhacayo.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana hada dareemayaa cabsidii ugu xumeyd, waxaana dadka qaar ay bilaabeen in guryaha uga soo tagaan telfoonada waa weyn ee isticmaalaan, taa badalkeedana ayeyna horey u qaataan moobeelo yar yar oon burcada aysan jecleyn.

Kooxaha burcada hubeesan ayaa bilaabay in maalmihii ugu dambeeyay in maqaayadaha iyo goobaha lagu shaaho xilliyada qaar tagaan kana qaataan telfoonada qaaliga ah ay wataan dadka goobahaasi ku sugan.

Dowladda cusub uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaan wali qaadin tallaabooyin muuqda oo wax looga qabanayo burcada dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba ku haya shacabka kunool caasimadda, waxa ayna burcadan uga sii dareen xaalada ammaan xumo ee ka jirta caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Gollaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax lagu dilay Wadaad Soomaaliyeed oo caan ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Cabdi Cade

Kenya oo Turkiga u gacan gelisay afar qof oo Turkish ah iyo walaac laga muujiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---