Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay oo jimco ah dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safarkii ugu horeeyay oo tan iyo markii la doortay ugu ambo baxay dalka Imaaraadka Carabta.
Safarka Madaxweynaha ayaa horey loo qorsheeyay in labo maalin qaadaneyso, hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa maalmo badan ku sugnaa dalka Imaaraadka, taa oo dhalisay hadal heyno kala duwan.
Warar baraha bulshada lagu baahiyay iyo warbaahinada qaar ayaa sheegayay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar qarsoodi ah ku tagay Israa’iil, uuna halkaasi kula kulmay madaxda maamulka Yahuuda.
Shir jaraa’id uu magaalada Muqdisho ku qabtay afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayuu ku beeniyay wararka sheegayay in Madaxweynaha tagay Israa’iil, waxa uuna afhayeenka warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah gabi ahaantiisa.
Waxa uu sheegay Afhayeenka Cabdikariin Cali Kaar in Madaxweynaha uusan tagin Israa’il, waxa uuna cadeeyay in aysan jirin xilligan xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Israa’iil, sidaa darteedna aysan imaan karin safarka Madaxweynaha halkaas ku tago.
“Maadama aanna Israel lahayn xiriir diblomaasiyadeed, haddii la tagana wax la qarinayo ma aha, laakin lama tagin hadda waxa la tagay waa dalka Imaaraadka kaliya,”. ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarka uu ku tagay dalka Imaaraadka kula soo kulmay madaxweynaha dalkaasi , waxaana Madaxweynaha iyo wefdigiisa intii ay joogeen Imaaraadka laga helay cudurka Covid-19.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com