Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo qabatay Ololaha Wacyi gelinta Canshuuraha (Sawirro)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ayaa soo xirtay Tababar qeyb ka ahaa ololaha Wacyigelinta Canshuuraha  iyo la tashiga bulshada qeybaheeda kala duwan oo seddex maalin ka socday magaaladda Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda maaliyadda Jacfar Maxamed Axmed oo ka hadlay tababarkan la xiriira ololaha bixinta canshuuraha ayaa ku baraarujiyey bulshada in ay canshuuraha yihiin Waajibaad Qaran oo ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay si fiican uga qeyb qaataan.

Sidoo kale agaasimaha waaxda Canshuuraha bariga Muxudiin Xasan Jurus ayaa isna shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey in ay bixiyaan canshuuraha oo muhiim u ah dowladnimada iyo horumar uu dalka gaaro.

Dadkii ka qeyb galay tababrkaas ayaa si weyn uga faa’ideystay baraarujinta iyo wacyi galinta ay soo agaasintay wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaaalka ah ee Soomaaliya oo ay ka hadleen aqoonyahano culumo iyo madax ka tirsan Wasaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Somalia deris la’ah oo noqday Waddanka Adduunka ugu barakacayaasha badan

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo Maxkamad soo taagtay Mr. Karutha Githaiga

Caydiid Ali

Maxaa looga hadlayaa kulanka caawa u socda Cabdi Xaashi, Deni & Axmed Madoobe?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---