Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjiraha Somalia u qaabilsan OIC oo warqadaha aqoonsiga laga gudoomay

Ergeyga Somalia u qaabilsan ururka Iskashiga wadmada Islaamka (OIC) Dr. Ibraahin Aadan Muuse ayaa waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Dr. Hussein Ibrahim Taah oo ah Xoghayaha Guud ee ururkaasi.

Kulankii dhinacyadaasi oo ka dhacay magaalada Jiddah,waxaa laga wadahadlay baahida loo qabo xaqiijinta siyaasadda dunida ee dalalka islaamka.

Ergeyga Dowladda FS u qaabilsan ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC),Waxa uu ka mahadceliyay sida ldiiran ee loo soo dhoweeyay,isagoo ballanqaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka iyo wax wada  qabsiga.

Ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC), waxaa la aasaasay 1969- kii,waxaana ku bohoobay 57 dal oo islaam ah .

Related posts

Cali Guudlaawe oo Ganacsato usoo bandhigay Fursado Maalgashi (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Khatar aan Muuqan – La Safo ama Ka Safo Dalka aad Seeraha Wadaagtaan. !

Cabdi Cade

Saraakiil booqatay degaano laga saaray Al shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---