Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Deegaano katirsan Jubbaland oo loo aqoonsaday Degmooyin rasmi ah (Sawirro)

Shirka golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana shir gudoominayay madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Shirka golaha Wasiieada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa looga hadlay arrimo dhoor ah ay kamid ahaayeen amniga, abaaraha iyo sidii gacan looga geesan lahaa u gurmashada dadka abaarta saameesay.

Golaha Wasiirada Jubbalanda ayaa sidoo kale shirka inta uu socday waxa ay ka doodeen in degmooyin laga dhigo deegaanada Dhoobley iyo Buurdhuubo oo ka kala tirsan Jubada Hoose iyo Gedo.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib ayaa golaha wasiirada Jubbaland waxa ay  qaab gacan taag ah ugu codeeyeen in degmooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo laga dhigo degmooyin katirsan maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Aadan Madoobe oo dhambaal ka gudoomay danjire Max’ed Ibrahim Yuusuf

Caydiid Ali

Yaa Carqaladeynaya Dadaallada Sii Daynta Dhakhaatiir Gacanta ugu jira Al Shabaab ?

Cabdi Cade

Ciidamo huwan ah oo howlgal lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab ka fuliyay Ceeldheer

Cabdi Cade
Taboola Ads ---