Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Aline Kuster iyo Wefti ay hoggaamineysay (Sawirro)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka dawladda Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, Amb. Aline Kuster Menager iyo wefti ay hoggaaminayso oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Faransiiska , sidii loo xoojin lahaa, doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland, iskaashiga dhinaca ganacsiga.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale looga hadlay  wada hadalada maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee hakadku ku yimid sidii mar kale dib loogu bilaabu lahaa.

Wakiillo katirsan Beesha Caalamka oo tagay magaalada Hargeysa ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland kala hadlay arrimo ay ugu horeeyaan khilaafka ka taagan doorashada Madaxweynaha iyo sidii waqtigii horey loogu heshiiyay loogu qaban lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sarkaal ka tirsanaa Booliska DF oo lagu dilay agagaarka taalada Daljirka dahsoon

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Dhaawac ee Duqa Muqdisho iyo diyaaradii qaadi laheyd oo…

Cabdi Cade

Saraakiil iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo la laayay ( Magacyo)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---