Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa looga hadlay kulanka Xamsa Cabdi Barre la qaatay Farmaajo? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa booqasho ugu tagay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan ayaa ahaa mid wadatashi ah oo la xiriira howlaha horyaala Xukuumada cusub iyo sidii Farmaajo uu uga dhegeysan lahaa talooyin la xiriira xaaladaha ka jira dalka.

Farmaajo  ayaa u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha inuu Rabbi u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee uu dalka iyo dadkaba u haayo. Waxa uuna la wadaagay talooyin ku aaddan sidii dalka hore loogu wadi lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Farmaajo ka hor kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed oo sidoo kale uu kala tashaday howlaha xukuumada hor yaalla.

Related posts

Daawo Sawirada: Siyaasiyiin Dowlada Mucaarad ku ah oo la kulmay Hey’adda Culimada Soomaaliyeed

admin

Khilaafka u dhaxeeya Culimada Soomaaliyeed iyo Haweenka Siyaaada ku jira oo sii xoogeestay !!

Cabdi Cade

Oday dhaqmeed sare oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo howlgal lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---