Allbanaadir.com
NEWS

Kontrolada laga ilaaliyo Villa Somalia oo ciidamo cusub lagu xoojiyey & amaro la soo rogay

Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somalia ee ka tirsan ururka 60-aad ayaa la soo soo baxay dhaqan cusub oo lagu xoojinayo amaanka Villa Somalia ka dib weerarkii xooganaa ee shalay lagu soo qaaday.

Waxaa dhamaan la joojiyey isticmaalka gaadiidka wadadaasi marayay, iyadoo markii horeba ay yaraayeen gaadiidka isticmaalayay goobta uu weerarka ka dhacay ayaa maanta waxaanan jirin dhaqdhaqaaq wadadaasi ka jira.

Ciidanka koofi casta ayaa maanta la arkayay iyagoo gaadiidka ay wataan shaqaalaha dowladda u diidaya inay wadadaasi maraan, xitaa iyagoo wata aqoonsiyo.

Arrinta kale ee soo korortay ayaa ah in shacabka wadadaasi lugtooda ku mari jiray loo diiday maanta inay halkaasi maraan, keliya waxaa wadada marayay shaqaalaha dowladda iyo dadka kale ee aqoonsiyada wata, iyagoo aan wax gaadiid ah, balse maalayey cagtooda.

Wadooyinka maanta aqoonsiyada la isku weydiinayay ayaa waxaa ka mid ah jidadka madaxtooyada ka soo gala dhanka Ceelgaabta, Hooyooyinka iyo wadada Sayidka.

Talaabadan ayaa waxay dhibaato ku noqoneysaa hadii ay sii socoto dadka rayidka ah ee degan degmooyinka ka dambeeya Madaxtooyada gaar ahaan degmada Hawlwadaag ee u soo shaqo tago Suuqa Xamar Weyne, maadaama dadka oo dhan aysan wada heysan aqoonsiyo.

Dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay hawlgal isugu jiray weerar toos ah iyo qaraxyo waxaay ku qaadeen barta kontorool ee ay joogaan ciidanka koofi guduuda ee ku taalla meel ku dhaw irida Beerta Nabadda, weerarkaasi waxaa ka dhashay khasaare kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo ka hadashay kordhinta Qaramada Midoobay ee xanibaada hubka

Caydiid Ali

Wasiir dhabar jebin ku sameeyey Farmaajo & dowlada Kenya oo ku fashilantay..

Caydiid Ali

Aas balaaran oo maanta loo sameeyay Taliyihii booliiska Somaliland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade