Allbanaadir.com
NEWS

Dhakhaatiir Ajaanib Ah Oo Dhawaan Qaliino Caafimaad Ka Bilaabaya Isbitaalka Kalkaal Ee Muqdisho

Isbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho ayaa dadweynaha Soomaaliyeed waxa uu ugu bishaareynayaa in dhakhtar  u dhashay dalka  Hindiya uu dhawaan qaliimo caafimaad ka fulin doono Isbitaalka Kalkaal.

Dhaqtarkan Hindiga ah waxa uu ku takhasusay cudurada kaliyaha kaadi mareenka iyo habtaranka Ragga waxaana qaliinada caafimaad ay bilaabanayaa 20/7/2018 ilaa 28/7/2018 iyadoo la isticmaalayo qalab casri ah iyo daawooyin tayo leh.

Waxa uu sameyn doonaa Dhakhtarkan Hinidiga ah inta uu ka howlgalayo Kalkal Hospital.

1: Daaweynta dhalmo la’aanta Ragga

2: Qaliinka dhagxaanta kaliyaha iyo kaadimareenka.

3: Qaliinka Qanjirka Burustaatada.

4: Furista tubooyinka kaadimareenka.

Sidoo kale Isbitaalka ayaa soo kordhiyay meshiinka ( ES W L) oo burburiya dhagxaanta kiliyaha iyadoo wax qaliin ah laguugu sameyn, waxaana dhamaan qaliimadan lagu sameynayaa hab laysar ah iyo Open intabada.

Sidoo kale  Kalkaal Hospital wuxuu soo kordhiyay dhaqtari fiisa tarabiyada oo caan ka ah dalka India wuxuuna daaweyn doonaa lafa xanuunka, dhabar xanuunka iyo murqo xanuunka.

Waxaa howlahan caafimaad ee qaliinkaanada ah loo fulin doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobalka Banaadir iyo Goblalada kale ee dalka oo uga maarmayo iney howlo  caafimaadka u doontaan dalalka shisheeye, waxaana fursadan dahabiga ah suurageliyay Maamulka iyo shaqaalaha Kalkaal Hospital xaruntiisa Magaalada Muqdisho oo marwalba u taagan iney si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wada Hadal toos ah u Bilowday dowladaha Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade

Booliska Turkiga oo xabsiga dhgay Ahmed al-Astal & sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo si weyn uga carrooday falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka

Cabdi Cade