Allbanaadir.com
NEWS

Wakiilka Soomaaliya u jooga UNFPA oo Warqadaha aqoonsiga laga gudoomay (Sawirro)

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha (UNFPA) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Niyi Ojuolape.

Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, waxaa lagaga wadahadlay dhowr arrimood, oo ay ku jirto xoojinta wadashaqaynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha iyo horumarinta xiriir adag oo togan iyadoo la kordhinayo waxqabadka howlaha ay hay’adda UNFPA ka waddo dalka, taasoo qeyb ka qaadaneysa in la gaaro yoolalka ka baxsan gargaarka bani’aadanimo oo ah hagaajinta nolosha muwaadiniinta iyo joogtaynta shaqada ee dhinacyada daryeelka caafimaadka iyo taageerada bulshada.

Kulanka qaabilaadda ee Wakiilka cusub ee UNFPA waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska ee Wasaaradda, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo Agaasimaha Waaxda Ururrada Adduunka, Mudane Xasan Maxamed Cali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo xariga ka jaray wadooyin cusub, mid kalena dhagax dhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo amaanay talaabo ay qaadeen shacabka Gaalkacyo

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Xasan Xamsa Asad (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---