Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno katirsan Qaramada Midoobay ayaa gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Masuuliyiin katirsan maamulka degmada Doolow iyo qeybo kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Doolow ayaa soo dhaweeyay wefdiga uu hoggaaminayo ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wefdiga la socday ayaa loo galbiyay xeryo dad kasoo barakacay abaarta ku sugan yihiin iyo deegaano kale si ay indhahooda ugu soo arkaan dhibaatada ka dhalatay abaarta ku dhufatay qeybo kamid ah Soomaaliya.
Degmada Doolow waxaa ku sugan dad badan oo kasoo barakacay abaarta ku dhufaty deegaano badan oo katirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, dadkan xeryaha ku jira ayaana halkaasi wali ku heesata dhibaatooyin xooggan.
Amaanka degmada Doolow ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi ku sugan ciidamo Nabad Sugid ah oo horey degmadaasi iyo degmooyin kalaba u geeyeen nidaamkii Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com