Allbanaadir.com
NEWS

Nin Walaalkiis ku Gowracay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa maanta Xaafada Kaawo Godey ee Degmada Dharkeenley  gobolka Banaadir ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen ,kadib markii nin madaxa looga jiray uu gowracay Walaalkiis.

Sida aan wararka ku heleyno ninka madaxa looga jiray oo la sheegay in uu xirnaan jiray ayaa gudaha u galay gurigooda isaga oo toorey wata, waxa uuna ninkan dhoor mar toorey la dhacay walaalkiis sidaasna ku geeriyooday.

“Ninkaan wuu xanuunsanaa muddo ayuu xirnaa Banaanka guriga ayuuna ku xirnaa, laakiin saaka afar saac ayuu meeshii uu ku xirnaa ka soo fakaday tooreyda nooca hilibka lagu qalo, ayuu soo qaatay markii uu guriga soo galay wuxuu caloosha ka galiyay walaalkiisa, kadibna qoorta ayuu kaga dhuftay tooreyda sidaas ayuuna ku dhintay.” Ayuu yiri qof ka mid ahaa dadka deegaanka.

Ninka madaxa looga jiray ee dilay Walaalkiis ayaa la sheegay in uu baxsaday, waxaana ciidamada booliiska degmada Dharkeenley wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan ninka dilka geestay.

Dilalka argagaxa leh ayaa kusoo kordhaya magaalada Muqdisho, waxaana maalmo kahor sidan oo kale magaalada Muqdisho uga dhacay dil ay isku geesteen labo nin oo walaalo ahaa , dilkaas ayaa isna loo adeegsaday toorey.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Xarun loogu tala galay Agoonta ciidanka Booliska oo maanta xariga laga jaray

admin

Faahfaahin: Macalin Nuur Maxamed Jimcaale oo lagu dilay Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Geerida Sh: Cusmaan Xiddig

Cabdi Cade
Taboola Ads ---