Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa weerar afka ah ku qaaday dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee ka hadlaya dhibaatada ay ku qabaan xirnaashaha Wadooyinka Muqdisho.
Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga in Al Shabaab ku dhax jiraan shacabka kana hadashiinayaan marka la xiro wadooyinka magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in Al Shabaab yihiin dadka ka hadlaya wadooyinka la xiray.
Wasiir Ducaale ayaa xusay in jidadka markii ay xireen ciidamada amaanka laga hortagay qaraxyada Muqdisho balse markii jidadka la furay loona dabciyay shacabka uu dhacay weerarkii lagu qaaday xarunta Oto Oto ay degan tahay Wasaarada Amniga.
”Jiddaka markii ay xireen ciidanka nimanka Al Shabaab ee nabad diidka ah waxa ay soo dhax galeen shacabka oo ka hadal siinayaan, waxaan aaminsanahay waxa meelaha ka hadlaya ee ka qeylinaya jidadka la xiray in Al Shabaab yihiin ” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga ayaa difaacay jiritaanka ciidanka Xasilinta iyo howlgalada ay Muqdisho ka wadaan, waxa uuna sheegay in ciidankan ay wax badan ka qabteen amaanka Muqdisho nabadgalyana kusoo kordhiyeen magaalada.
Magaalada Muqdisho wax ka yar 10-maalmood waxaa ka dhacay qaraxyo xoogan iyo weeraro lagu qaaday xarumo dowlada leedahay, waxaana xusid mudan in weeraradan dhacayaan xili ay inta badan xiran yihiin Wadooyinka Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com