Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilalkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Yaxye Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Mudane Qadar Xasan Maxamed kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu sheegay sababaha xilka looga qaaday labada wasiir iney tahay xil gudasho la’aan la xiriirta waajibaadkii loo xilsaaray, mana jiraan wasiiro kale oo xilalkaas loo magacaabay,
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA