Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin gubay qabri ay ku aasneed Sodohdiis iyo Sababta keentay oo la ogaaday !!

Warbaahinta dalka Pakistan ayaa si weyn u hadal haya nin u dhashay dalkaasi oo gubay qabri ay ku aasmeed hooyada dhashay xaaskiisi hore, waxaana ninkan hada xiray ciidamada booliiska oo kiiskiisa baaritaan ku bilaabay.

Ninkan oo magaciisa aan la shaacin ayaa 13-kii bishaan magaalada Layyah, ee gobolka Punjab ku gubay qabriga sodohdiisa hore, waxa uuna sawirrada uu gubista qabriga ka qaaday u diray xaaskiisa horey u kala tageen.

Warbaahinta dalka Pakistan ayaa sheegtay in ninkan uu carro darteed u gubay qabriga sodohdiis kadib markii xaaskiisa oo ay kala tageen toban sanno kahor ay ka diiday in mar kale isku noqdaan.

Haweeney la dhalatay xaaskii hore ee ninka qabriga gubay ayaa dacwad u gudbisay booliiska, waxa ayna sheegtay in ninkan uu si carro ka muuqato u gubay qabriga hooyadeed kadib markii ay diiday xaaskiisi hore.

Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Layyah ayaa sheegay in ciidamada soo xireen ninkan lagu eedeeyay in uu gubay qabriga sodohdiis oo geeriyootay 25-sanno kahor, waxa uuna xusay afhayeenka in booliiska arkeen raadad muujinaya in qabriga la gubay.

Qoyska haweeneyda geeriyootay ee qabrigeeda la gubay ayaa ka codsaday laamaha cadaaladda Pakistan in ay ciqaab marsiiyaan ninkan horey xidadka u ahaayeen ee dabka qabadsiiyay qabrigii ay ku aasneed hooyadood .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey qaraxii Buulo Burde & labo walaalo ah oo ka mid noqday..

Caydiid Ali

Farmaajo oo Guul taariikhi ah ku tilmaamay Doorashadii looga guuleestay

Cabdi Cade

Mid kamid ah Shaqaalaha Hurmuud oo lagu dhax dilay xarun uu ka shaqeenayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---