Xili Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ay ku Sugan yihiin Ciidamo aad u badan oo ka kala tirsan Ciidamada Laamaha Amaanka hadane waxaa Magaalada ka dhaco qaraxyo, weeraro iyo dilal Qorsheysan oo ay geysanayaan Kooxo ku abtirsada ururka Al-Shabaab ee Dagaalka kula jiro Dowladda Soomaaliya.
Caasimada Muqdisho ee Soomaaliya waxaa gacanta ku haayo dowladda FS hadane waxaa Moodaa in ay Amaanka Guud ee Magaalada wali aysan si buuxda gacanta ugu dhigin oo Muqdisho waxaa ka dhaca falal lid ku ah amaanka guud.
Magaalada waxaa Yaalo barar Kontorolo aad u Fara badan gudaha Magaalada iyo Meelaha laga Soo galo hadane Muqdisho maalmo isku dhaw ayaa waxaa ka dhacay weeraro ay geesanayaan Dabley hubeysan kuna libisan Dareeska Ciidamada Dowladda FS.
Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan ciidamo aad u badan oo magacyo kala duwan oo sugaya Amaanka  magaalada Balse wale aan amaanka ku guuleysan.
Dadka ka Faalooda Arimaha Amniga ayaa waxa ay si weyn u dhaliilayaan amaan xumada Magaalada Muqdisho iyo sida ay u wajahday dowlada Federalka Soomaaliya iyo tirada badnida ciidamada Dowladda.
Waxaa Jiro arimo Dhowr ah oo isbiirsaday oo sabab u ah amaan xumada Muqdisho iyo tayo la’aanta Ciidamada tirada Badan.
A)Â Â Â Â Ciidanka Dowladda oo Lagu Soo Xulay Qaab Qabiil ah ama Awood Qeybsiga wadanka la dagay (4.5) laguna keenay magac jecleysi iyo abtirsiino.
B)    Inta Badan Ciidamada Dowladda oo u Carbisneyn Sugida Amaanka oo ay ka go’neyn Sugida guud ee Dalka gaar ahaan Magaalada.
C)Â Â Â Â Ciidanka Dowladda oo tababarka ay qabaan aan aheyn mid aad u tayo sareeyo oo aan si wanaagsan loogu dhaadhicin muhiimada Amniga.
D)Â Â Â Â Ciidanka Dowladda oo inta Badan si weyn u isticmaalo Balwadaha kala duwan ee maandooriyaha ah taas oo ay Madaxda Dowladda kala hadlin Marnaba.
E)Â Â Â Â Â Shacabka oo marna aaminsaneyn Ciidamada kala Duwan ee Dowlada ee ka howlgalo Magaalada Muqdisho.
F)Â Â Â Â Â Ciidanka Dowladda ee loogu talagalay Sugida Amniga ayaa lagu soo Xulan heerka aqoontooda.
G)Â Â Â Â Dowladda Soomaaliya oo aan marnaba siinin Mushaarka Ciidamada iyo Gunooyinka ay leeyihiin. (Xaquuq iyo Waajib) iyo Taliska Ciidamada ugu Sareeyo aan Ciidamada Siinin gunada.
Hadaba intaas Arimood oo isbiirsaday ayaana wali suuragalin in Dowladda Federalka Soomaaliya ay ku guuleysato amaanka guud ee Magaalada Muqdisho oo waxaa dhaco falal lid ku ah amaanka magaalada iyo dhibaatooyin loo geysto dadka Shacabka ah.
Sikastaba Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaana lehyn heer Aqoon misana Lagu Soo Xulin hadii ay Dowladda Soomaaliya ay Suuragaliso in ay askariga kusoo Xulato heerkiisa Aqooneed iyo Howlqabadkiisa waxaa wax weyn iska badali lahaa amniga guud ee Magaalada Muqdisho
Ku darsoo hadii ciidamada dowladda laga mabnuuci lahaa guud ahaan maadooriyaha ay sida saaidka ah u isticmalaan waxaa hubanti ah in ciidanka sugi lahayeen amaanka guud ee dalka.
Hadii Ciidamada Dowladda Lasiin lahaa Mushaarkooda, Gunada, Iidankooda oo Dhameystiran lagana Fikiri lahaa Caafimaadkooda waxaana shaki ku jirin in Amaanka la Xaqiijin lahaa.
W/D: Ahmed Abdi Agayare
Email:Â Agayare99@gmail.com
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com