Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladaha Somalia iyo Canada oo ka wadahadlay arrin muhiim ah (Daawo Sawirro)

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha oo kulan la qaatay danjirtada Canada u fadhiya Nairobi.

Xubnaha safaaradda Kanada oo uu hoggaaminaayay  Xoghayaha koowaad ee ayaa warbixin ka siiyay Ergayga howlaha horumarinta iyo gargaarka isugu jira ee ay ku taageeraan Soomaaliya.

Ergeyga oo dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Kanada sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya isaga oo ka duulaya ahaanshiyaha Kanada ee deeqbixiyaha afaraad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya guga 2022.

Ergeyga ayaa marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay haddii qeyb ka mid ah dhaqaalaha horumarinta loo weecin karo howlaha gargaarka bini’aadannimo iyo abaaraha iyaga oo intaas ka dib ka wada hadley siyaalaha kala duwan ee ay Safaaraddu gacan uga geysan karto sare u qaadidda wacyiga iyo muujinta sawirada dhabta ah ee heerka Abaarta iyo sidoo kale saameynta guud ee Kanada ku yeelan karto hayadaha iyo waddama laga filan karo in ay gacan ka geystaan Abaarta.

Related posts

Labo Dhacdo Argagax leh oo ka dhacday Deegaano katirsan gobolka Sh/Dhaxe

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in ciidanka dowladda iyo kuwa Deegaanka ka baxeen degmada Ceeldheere ?

Cabdi Cade

Shirka guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda ee FGC oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---