Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo War kasoo saartay Weerarkii Al Shabaab iyo sida loo fashiliyay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in al-Shabab ay guul darro xoog leh kala kulantay weerarkii shalay kusoo qaadeen meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada.

Wasiirka, ayaa sheegay in weerarada al-Shabab ee nafla-caariga ah, aysan sii jiri doonin, maadaama ay waddo khaldan, oo ka fog bini’aadaminimada iyo diinta Islaamka ay ku socdaan.

“Ciidamada Amiga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka, oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax. Ciidamadu waxay ku guuleysteen in ay hor istaagaan arxan-laawayaasha dhiigga shacabka caadaystay ee al-Shabab in ay gaaraan goobta ay qaraxa la damacsanaayeen. Kadib markii rasaas ay huwiyeen, ayaa mid ka mid ah 2 gaari oo qarax laga soo buuxiyay wuxuu ku qarxay meel u dhow taaladda SYL, waxaa sidoo kale ay ciidamadu Isla goobta ku dileen dhowr ka mid ah maleeshiyada al-Shabab ee la marin-habaabiyay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirku, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso daweynta dadka rayidka ah iyo ciidamada ku dhaawacmay, iyadoo uu tacsi u diray dhamaan intii ku geeriyootay.

Wasiirka, ayaa sheegay in aan loo hakan doonin weerarada Islaamnimada ka baxsan ee kooxdan caadeysatay in ay ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedkoodu yahay in nabadda iyo xasiloonida dalka ka jirta ay qalqal-galiyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay horey ugu tallaabsatay guulo ay ka soo hoysay kooxda argagixisad,a oo laga saaray goobo badan oo ay xoog ku lahaayeen, Isla markaana si xoog leh loo wiiqday awoodda kooxdan, taasoo keentay in weerarada noocan ah ee maatida lagu beegsado iyo kuwa gaadmada ah ay doorbidaan. “waqti yar ayaa u dhiman kooxdan” ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo si adag uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Wasiirka Duulista hawada DF

Cabdi Cade

Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri doorashadii saaka ka dhacday Garowe? (Akhriso)

Caydiid Ali

Muwaadin Soomaali ah oo xalay lagu dilay Magaalada Durbanville (Magaciisa)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---