Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidan Mareykan ah oo howgal qorsheysan ku soo qabtay Hani Ahmed Al-Kurdi

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka ee Daacish. kaddib weerar ka dhacay Waqooyiga dalka Siiriya.

Wuxuu ahaa nin khibrad u leh samaynta bambooyinka iyo fududeynta howlgallada”, ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Isbaheysiga Mareykanku hogaamiyo.

Saraakiisha ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in ninkaas lagu magacaabo Hani Axmed Al-Kurdi.

Ciidamada oo watay labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ayaa la geeyay magaalada Al-Humayra, oo ku dhow xudduud Turkiga ee gobolka Xalab ee mucaaradka ay maamulaan.

Qof ka mid ah dadka deegaanka Al-Humayra ayaa sheegay inay ciidamadu weerareen guri ku yaalla cirifka tuulada ay ku sugnaayeen dad ka barakacay magaalada Xalab.

“Markii ay diyaaradihii helikabtarka ahaa baxeen waxaa naloo sheegay iney halkaas ka wateen nin ay baadi goobayeen” ayuu yiri goob ku sugan degaankaas

Related posts

Tirada Soomaalida & dalalka kale ee laga tarxiilayo Mareykanka

Caydiid Ali

Xoghayihii Arrimaha dibeda ee Maraykanka oo xilkii laga qaaday (Yaa lagu bedelay)

Caydiid Ali

Puntland oo dadkeeda uga digtay in ay qaataan Kaarka aqoonsiga Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---