Siyaasiga Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Qaraxyada magaalada Muqdisho ka dhacaya ay fududeeyan ciidamada ee u xilsaaran Sugida amniga caasimada.
Cabdiraxmaan C/shakuur oo oo ka mid ah siyaasiyiinta sida xoogan u mucaaradsan dowlada ayaa sheegay in ciidamada xasilinta ay kaalin weyn ka geystaan Qaraxyada ay fuliso Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay inaysan suuragal ahayn haddii aysan Al-Shabaab taageerayaal ku dhex lahayn ciidamada dowlada inay gaaraan xarumaha halbowlayaasha u dowlada sida madaxtooyada Somalia.
“Al-Shabaab waxay ku dhex leeyihiin hay’adaha nabadgelyada taageerayaal waxayna ku dhex leeyihiin dad u sahla inay gaaran xarumaha halbowlayaasha dowlada, taasina waa mid iska cad” ayuu yiri siyaasigan.
Waxaa uu sheegay oo kale in ciidamada xasilinta ay yihiin kuwo sharci daro ah oo aan meelna kaga jirin ciidamada ku xusan dastuurka dalka ee sida sharciga ah loo baahan yahay, wuxuuna xusay in halkii laga dhisi lahaa ciidamadan loo baahnaa in loo xoojiyo ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugida.
Al-shabaab ayaa horey u galay xarunta Madaxtooyada xiligii ay talada hayeen dowladihiii ay hogaaminayeen Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo C/raxmaan C/shakuur uu ka soo qabtay xilal kala duwan.
Cabdiraxmaan oo VOA ay wareysatay ayaa sheegay in dowladdu ay kasban weyday kalsoonida shacabka taasina ay sababto in al-Shabaab ay sameeyaan wixii ay doonaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com