Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wasiir Cabdikariim Cali Nuur oo is casilay kana hadlay Sababta is casilaadiisa (Akhriso)

Wasiirkii Wasaaradda Dib-u-Heshiisiinta dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Eng Cabdikariim Cali Nuur ayaa iska casilay xilkaasi, waxa uuna ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe in uu fulin waayay heshiisyo uu horey u galay.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka  ayuu ku sheegay in uu go’aasaday in shaqada isaga tago kadib markii Madaxweynaha Hirshabelle fulin waayay hesiisyo uu la galay odayaasha Hiiraan iyo ballanqaadyo kale oo ahaa in uu xalinayo awwood qeybsiga Hirshabelle .

Waxa uu sidoo kale  wasiirka sheegay in muddo badan uusan helin gunooyinkii iyo xaquuqihii kale uu lahaa, waxa uu sidoo kale sheegay in nin la yiraahdo Maxamed Mukhtaar uu adeer yahay Cali Guudlaawe handadaad ku hayo wasiiradda Hirshabelle.

Halkan ka Akhriso Qoraalka is casilaada  ee Wasiirka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu dambeeyay Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Musharixiin lacago badan ….

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo maanta lagu riday Khadro Jaamac iyo Cabdinaasir Axmed (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo shaqada ka joojiyey Agaasime si sharci daro ah u bixiyey dhul waddo ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---