Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo ka hadashay in ay Wadahadal la galayaan Dowladda cusub ee Soomaaliya

Hoggaamiye sare oo katirsan ururka Al Shabaab ayaa meesha ka saaray in wadahadal haba yaraatee ay la galayaan dowladda cusub uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh , waxa uuna taa badalkeeda rejo ka muujiyay in ay dalka gabi ahaan la wareegaan.

Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Mahad Karatay) oo ah Hoggaamiye ku xigeenka ururka Al Shabab ayaa wareysi uu bixiyay ku shaaciyay in marnaba aysan ururkooda wax wadahadal la galeyn dowladda Soomaaliya uu tilmaamay in ay iyagu aqoonsaneyn.

Waxa uu sheegay hoggaamiyahan sare ee katirsan Al Shabaab in aysan dowlad Soomaaliya ka jirta aysan aqoonsaneyn, waxa uuna xusay in aysan diyaar u aheyn in ay la hadlaan dowlad kasoo horjeeda ku dhaqanka shareecada Islaamka.

“Anagga sideedaba nimankan dowlad kama aaminsanin. Cumuumana cid kasta oo ay shareecada ilaaheey noo diiday inaan la hadalno, la hadli mayno. Ciddii ilaaheey shareecaddiisa noo banaysay inaan la hadalno, waan la hadlaynaa,”ayuu yiri Mahad Karate.

Hoggaamiyahan sare ee katirsan Al Shabaab ee madaxiisa Mareykanka dul dhigeen shan milyan oo dollar ayaa sheegay in rejo ka qabaan in mustaqblka dhaw Soomaaliya la wareegaan kuna xukumaan shareecada Islaamka.

Hadalkan kasoo yeeray hoggaanka sare ee Al Shabaab ayaa imaanaya xilli dhawwaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in dowladiisa diyaar u tahay wadahadal ay la gasho kooxda dagaalka kala soo horjeeda ee Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Safaaradii Iran ku laheyd Sacuudiga oo dib loo furay todoba sano ka dib (Sawirro)

Caydiid Ali

Bangiga Dhaxe ee Dalka oo Warqad Ogolaansho ah siiyay Labo Bangi oo Caalami ah

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo xadhiga ka jaray 130 dhisme oo lagu kordhiyey goobo Waxbarasho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---