Allbanaadir.com
NEWS

Norwey oo Taageero muhiim ah u Ballanqaaday Baarlamaanka Soomaaliya (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe ayaa hoygiisa kulan kula qaatay danjiraha dalka Norwey, Amb. Haakon Svane.

Safiirka dalka Norway ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka lawadaagay sii amba-qaadida taageerada dhanka sharciga oo dowladda Norwey horay u siin jirtay Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Kulankan maanta ay yeesheen mas’uuliyiinta oo daba socday kulan hore ayaa lagu soo hadal qaaday Awoodsiinta Haweenka Soomaaliyeed kuwooda ku jira siyaasada gaar ahaan Baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey shacabka iyo dowladda Norwey oo taageera buuxda ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in ay iska kaashan doonaan wada shaqeeynta Baarlamaanada labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Q/Midoobay oo cambaareysay digniin ay Israel siisay Isbitalada Magaalada Gaza

Caydiid Ali

Maxkamad maanta la horgeeyay ninkii xaaskiiga ku gubay kuna dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Axmed Madoobe iyo C/weli Muudey oo Muudey oo Muqdisho ku kulmay iyo Xog ku aadan ..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---