Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Odawaa oo Xal u helida dil ay geesteen Ciidamada Gorgor u tagay Bariire (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa tagay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo la sheegay in ciidamada Gorgor ku dileen labo nin oo beeraley ahaa.

Taliyaha ciifdamada ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa uuna kala hadlay dhacdada dilka ah ee ciidamada geesteen iyo arrimo kale.

Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo sidoo kale bulshada ku dhaqan Bariire uu kula kulmay Fagaare ka codsaday in ay soo dhaweestaan ciidamada kalana shaqeeyaan sugida amniga iyo kahor tagida weerarada iyo falalka amaan daro ee maleegaan kooxaha hubeesan.

Waxa uu sheegay Odawaa in ciidamada milatariga deegaanka Bariire u joogaan ilaalinta shacabka, waxa uuna xusay in askartan guryahooda iyo ehelkooda uga soo tageen sidii shacabka deegaankaasi u difaaci lahaayeen.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa uga digay ciidamada milatariga gaar ahaan kuwa jooga deegaanka Bariire in ay dhibaateeyaan shacabkii loogu tala galay in amaankooda ilaaliyaan.

Taliyaha ayaana ku booriyay ciidamada xoogga dalka in har iyo habeen heegan ugu jiraan sidii Al Shabaab uga difaaci lahaayeen naftooda iyo sidoo kale dadka ku dhaqan deegaanka Bariire .

Deegaanka Bariire waxaa ku sugan ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, waxaana ciidankaasi lagu eedeeyay mararka qaar in dhibaato u geestaan shacabka deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal xoogan oo dhax maray Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Al Shabaab

Cabdi Cade

Khayre Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Guriceel (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Yaa Bixiya Kharashka Ololaha Doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya ? !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---