Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Masar iyo Israa’iil oo heshiis ka careesiiyay dowladda Ruushka la galay Midowga Yurub

Dawladaha Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub ayaa kala saxeexday heshiis la xidhiidha gaasta dabiiciga ah ee wax lagu karsado, taasoo qorshaha heshiiskani yahay inĀ  Israel ay gaasta dabiiciga ah u dhoofiso suuqyada dalalka Midawga Yurub, iyada oo la sii marinayo laba wershadood oo ku yaalla dalka Masar.

Heshiiskan ayaa qalinka lagu duugay maalinimadii Arbacada, intii lagu guda jiray kulanka Madasha Bariga badda Mediterranean-ka, kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waxaana ujeedada shirkani uu ahaa in la ballaadhiyo iskaashiga dhinaca gaasta dabiiciga ah ee u dhexeeya dalalka Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub.

Sayid Sadek oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Masar oo ku takhasusay cilmiga bulshada ayaa VOA u sheegay in ku dhawaaqista heshiiskan uu rasmi ka dhigayo iskaashi soo socday muddo bilo ah oo u dhexeeyay saddexdan dhinac.

Sadek waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku uu hadda isku dayayo in uu ka odayeeyo xal u helidda muranka ka taagan dhul-badeedka ee u dhexeeya Israaā€™iil iyo Lubnaan, halkaas oo ay ku jiraan gaas aad u tiro badan, waxaana hindisuhu uu yahay in haddii xal laga gaadho, in lagu daro heshiiskan lala galay Midawga Yurub.

TV-ga Aljazeera ayaa sheegay in Ruushku uu jaray Gaastii dabiiciga ahayd ee uu u dhoofin jiray dalalka Yurub, maalinimadii Arbacada, taas oo calaamad u ah, sida Ruushku uu uga xun yahay heshiiskan lagu saxeexday magaalada Qaahira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Degmo oo xil ka qaadistiisa ka dhax arkay barta Facebook

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo ka carootay Sawirkeeda oo Darbi lagu dhajiyay (Arag Sawirka)

Cabdi Cade

(Sawirro) Aadan Macalin Cali oo isku soo dhiibay ciidanka DF ee Xarardheere

Caydiid Ali
Taboola Ads ---