Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muuse Biixi oo si kulul uga hadlay talaabadii uu qaaday danjiraha DF u fadhiya Kenya

Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa arrin ugub ah ku tilmaamay shirkii uu isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya isla markaana sheegay in aysan aqbaleyn,.

“Ninkii safiirka u ahaa Soomaaliya shirkaa wuu ka carooday wuu isaga baxay isaga oo leh aniga iyo Somaliland meel ma wada fariisan karno, waa arrin ugub ah in qof Soomaali ah uu Soomaali kale shir uga baxo bedelkii uu soo dhoweyn lahaa” ayuu yiri Muuse Biixi

Muuse Biixi ayaa ku tilmaamau talaabada uu qaaday danjire Tarzan arrin mucjiso ah oo aysan Somaliland qaadan karin.

Madaxweynaha Biixi ayaa hadalkan ka sheegay khudbad dheer oo u jeediyey bulshada magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag

Hadalkan kasoo baxay Madaxweynaha Somaliland ayaa imaanaya xilli shaley safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay mas’uuliyiin matalayay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya.

Related posts

Ganacsato Carbeed oo dooneysa in dalka Maal-gashadaan oo soo gaaray Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah maanta ku dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Hogaamiyaha Ahlu Sunna iyo Sheekh Shaakir oo isku dhiibay Ciidanka dowlada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---