Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hanti dhowrka Qaranka oo baaraya xafiisyada Wasaarada Awqaafta & A/Diinta

Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in maanta Wasaarada Aw-qaafta iyo Arimaha Diinta Xafiisyo ka mid ah ay albaabada isugu dhufteen Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii uu dhawaan soo if baxay Musuqmaasuq ka jira Wasaaradaasi kaasoo la xiriira Hanaanka bixinta Viisaha Xajka ee sanadkan oo dhaqaale badan lagu xiray.

Xogta la helay ayaa intaas ku dareysa in Xafiisyada albaabada la isugu dhuftay ee uu hanti dhowrka amray in ilaa amar dambe aan la furi karin ay ka mid yihiin: Xafiiska Wasiirka, Xafiiska Agaasimaha Guud, Xafiiska Waaxda Xajka iyo Xafiiska Maamulka iyo Maaliydda.

Sidoo kale warar aan ka helnay ilaha Wasaarada ayaa sheegaya in weli khilaaf uu ka dhex jiro Xarunta Wasaarada ka dib markii Wasiirka Diinta Sheekh Cumar Cali Rooble uu amar ku bixiyay in Wasaarada uusan soo gali karin Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Cumar Faaruuq.

Khilaafka Wasiirka iyo Agaasimaha ayaa la sheegay inuu salka ku hayo  habka Maamulida arinta Xajka ee sanadkan iyo Mashruuc la yiraahdo PCV oo UN-ka maal galinayay kaasoo ku saabsan ladagaalanka Argagixisada,Waxaana ku baxayo Dhaqaale badan sida la sheegay in uu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo Farmaajo oo Qorshe cusub la yimid

Cabdi Cade

TV-ga Aljazeera oo dacwad ku saabsan dilka Shiren Abu Akleh u gudbinaya Maxkamada ICC

Caydiid Ali

Aas aaska ciidamada Xeebaha Somaliland oo si weyn loo xusay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---