Allbanaadir.com
NEWS

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Carro uga baxay Shir uu guddoominayay Uhuru Kenyatta

Safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa isaga oo careesan si degdeg ah uga baxay shir uu Madaxeyne Uhuru Kenyatta ku casuumay safiirada caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya .

Sida aan wararka ku helnay safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya Amb Tarsan ayaa markii uu galay goobta Madaxweyne Uhuru kula shirayay safiirada ku arkay calanka maamulka Somaliland iyo qof la sheegay in maamulkaasi safiir ahaan u matalayay.

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya ayaana si degdeg ah uga baxay shirka Uhuru la lahaa Safiirada Caalanka isaga oo careesan, waxaana la sheegay in Safiirka uu dib ugu laabtay halkii uu kasoo tagay.

Dowladda Kenya ayaa xiriir dhaw la yeelatay maamulka Somaliland, waxaana tallaabadan dowladda Kenya ku casuuntay maamulka Somaliland u muuqataa in Kenya ay dowlad ahaan u aqoonsan tahay maamulkaasi.

Madaxweynaha dalka Kenya oo dhawwaan xilka ka degaya ayaa maanta khudbadiisa ugu dambeesay u jeedinayay safiirada caalamka ee jooga dalka Kenya, waxa uuna Uhuru baneen doonaa aqalka looga arrimiyo Kenya uu muddo 8-sanno joogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Afur iyo Casho Sharaf u sameeyay Culumaa’udiin badan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxkamad dastuuri ah oo soo saartay go’aan farxad geliyey Muslimiinta dalka Koonfur Afrika

Caydiid Ali

Maamulka Jubbaland oo amar culus ku soo rogay ganacsatada Kismaayo (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---