Maamulka Israa’iil ayaa muwaadiniintooda ku sugan dalka Turkiga ugu baaqay in ay si degdeg ah dalkaasi uga soo baxaan, waxa sidoo kale Israa’iil ugu baaqday muwaadiniinta kale ee qorsheeneysa in dalkaasi tagaan in safarkooda joojiyaan.
Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid , ayaa ka codsaday muwaadiniintooda ku sugan dalka Turkiga in si degdeg ah dalkaasi uga baxaan, waxa uuna sheegay in ay jiraan weeraro Iiraan qorsheesan oo lagu beegsan karo muwaadiniintooa Turkiga jooga.
Waxa uu sheegay wasiirka in dhawwaan la fashiliyay weeraro Iiran qorsheesay oo ka dhan ahaa muwaadiniintooda ku sugan dalka Turkiga, waxa uuna xusay in hadana jiri karaan weeraro lagu dilo ama lagu afduubto muwaadiniintooda jooga Turkiga.
“Haddii aad horeba u joogtay Istanbul, sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabo Israa’iil , haddii aad qorsheynaysay safar aad ku tagto Istanbul – jooji. Fasax noolashaada ayaa ka muhiimsan.” ayuu yiri Lapid.
Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sidoo kale uga digay in muwaadiniintooda u safraan dalka Turkiga, waxa uuna sheegay safar dalxiis iyo tamashleyn in uga muhiimsan tahay noloshooda oo dalkaasi qatar ku geli karta.
Waxa uu dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil uga digay Iiraan in ay dhibaateeso muwaadiniintooda , waxa uuna ku hanjabay in cid kasta oo dhibaato u geesata Israa’iil in aysan ku badbaadi doonin meel kasta ayna ku ciqaabi doonaan.
Digniintan kasoo baxday Israa’iil ayaa kusoo aadaya xilli gudaha Iiraan ay ka dhaceen weeraro qorsheesan oo lagu dilay saraakiil ciidan oo muhiim u ahaa Iiraan, waxaana weeraradaasi lagu eedeeyay in Israa’iil ka dambeesay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com