Allbanaadir.com
NEWS

Masuul ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir oo ka badbaaday isku day dil

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada ee maamulka degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir Abshir Kaaraan ayaa ka badbaaday Qarax miino oo lala beegsaday gaari uu la socday.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Ex-shineemo Cabdi Waayeel oo ku taalla degmada Heliwaa sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Inta la xaqiijiyay laba askari oo ka mid ahaa ilaalada Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kuwaasoo la sheegay inuu fudud yahay dhaawacooda.

Maamulka degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir iyo saraakiisha amaanka degmadaas ayaan ka hadlin weerarkan.

Waxaa sii kordhayay maalmahan qaraxyada iyo weerarada ka dhaca Degmada Heliwaa oo la rumeysan yahay iney tahay meel ay ku xoogan tahay Al-shabaab, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii xaafada Suuqa xoolaha ee isla degmadaas ay ka dhaceen qaraxyo iyo iska horimaadyo ay dad badan ku dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Kulan Xasaasi ah oo laga yeeshay Dardar Gelinta Dhismaha Wadada Muqdisho Iyo Afgooye (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo iska dhega tiray digniinta Mucaaradka & Qoor-qoor oo..

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jubbaland oo Guddoomiyay Shir arrimo kala duwan looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---