Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay safiirada DF u fadhiya caalamka qaarkood? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka, isagoo ku adkeeyey in ay sida ugu wanaagsan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladaha ay ku shaqeeyaan Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda iyo Jaaliyadaheenna ku dhaqan daafaha caalamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cali Nuur.

Related posts

Sargaal Milatari oo ku geeriyooday bam gacmeed Hadiyad ahaan loogu geeyay

Cabdi Cade

Laftagareen oo lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb iyo xogta ujeedka Safarkiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Balli-dhiig iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---