Allbanaadir.com
NEWS

Qodobada looga hadlayo shirka horumarinta Somalia ee Brussels oo faahfaahin laga bixiyey (Daawo Video)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb-qaadan doona guddoominta shirka horumarinta Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 bishan Luuliyo. Shirkan ayaa daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka warbixiyay safarka wafdiga Madaxweynaha ayaa yiri “Qeybta labaad ee shirkan waxaan kaga hadli doonnaa, wixii ka qabsoomay qorshaha amniga qaranka ee lagaga hadlay shirarkii hore iyo guulaha laga gaaray, bixitaanka ciidamada Amisom ee waqtiyeysan, horumarka laga gaarey dhaqaalaha, haddii ay noqoto deyn-cafiska oo aan hormar ka gaarnay, dakhli-ururintii iyo miisaaniyaddii oo wax badan laga qabtay.”

HOOS KA DAAWO HADALKA RAISUL WASAARE KU-XIGEENKA:-

https://www.youtube.com/watch?v=tc4kxE3e0gQ

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

Related posts

Qoyska George Flyod oo magdhaw loo siinayo lacag gaareysa 27 Million oo doolar

Cabdi Cade

(Sawirro) Wasiir Fiqi oo booqanaya Pakistan & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

Burcad jarjartay qaar ka mida xarkaha isgaarsiinta dal Yurub kuyaalla

Cabdi Cade
Taboola Ads ---