Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo qodob muhiim ah kala hadashay QM iyo Mareykanka (Sawirro)

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Md C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta kulan la yeeshay ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka  Victoria Nuland oo booqasho ku timid Soomaaliya .

Kulanka oo looga hadlayey gurmadka abaaraha iyo badqabka cunto ee dadku abaarta samaaysay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ambassador Lary Andre , madaxa USAID, ku xigeenka ergeyaga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadannimida iyo madaxda hay’adaha WFP, UNICEF, FAO.

Kulanka ayaa ka isku waydaarsaday xog iyo tallooyin ku aaddan sidii degdeg wax looga qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen, loona heli lahaa gurmad iyo taageero caalami ah.

Ugu danbeyn, Ergeyga ayaa uga mahadceliyey Dawlada Maraykanka taageerada joogtada ah ee la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, Waxa uu sidoo kale Ergeygu ballan qaaday in dawladda Soomaaliya ay daddaal kasta ku bixinayso sidii loo gargaari lahaa dadka abaaruhu ku dhufteen iyo in la fududeynayo hawlaha gurmadka.

 

Related posts

Israa’iil oo soo celisay musiibadii Abu Ghraib iyo Dunidda oo aamusan !

Cabdi Cade

Israel oo ku goodisay iney qaadeyso talaabo adag oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Caydiid Ali

Dagaalyahano katirsan Daacishta Soomaaliya oo lagu dilay Weerar qorsheesan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---