Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano Mooshin ka keenay labo xubnood uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe iyo ku-xigeennadiisa oo ka qeyb galay Kalfadhiga 1-aad kulankiisa10-aad, oo maanta Ajandihiisu ahaa aqrinta 1aad xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, waxaana Golaha ka hor aqriyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha BJFS ayaa Golaha u soo jeediyey Ansixinta iyo dhaarinta laba xubnood ee Guddiga madax-banaan ee dib-u-eegista iyo hir-gelinta Dastuurka, kuwaas oo ka kooban labo xubnood oo kala ah.

1-Marwo Xaliimo Jaamac Afrax
2-Qareen Daahir Xasan Cabdi,

Xubnahaas oo uu soo magacabay Ra’iisul wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii ay soo jeedin sameeyeen 11 Xildhibaan sida uu qabo qodobka 25aad ee xeer-hoosaadka ayuu Guddoomiyahu dib u dhigay maadaama Xildhibaano qaar ay mooshin ka keenen ansixintooda.

 

Related posts

Eedeymo loo jeediyey heyadda Socdaalka & Jinsiyadaha Somalia (Daawo Video)

admin

Ciidan ka tirsan Gorgor oo tababar loogu xiray Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Masuul ku dhaawacmay iska horimaad ka dhacay Balcad & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---