Maamulka Puntland ayaa xabsiga u taxaabay Taliyihii laanta ilaalada Canshuuraha ee gobolka Bari Axmed Cabdi Sugulle.
Waxaa sidoo kale xilkii laga qaadey Maamulaha canshuuraha berriga ee gobolka Bari Mahdi Muuse waxaana loo jaray waaran Boolisku ku soo qaban karo.
Labadan masuul ayaa lagu qabtey iyagoo gacmaha kula jira fadeexad musuq-maasuq ah oo ay ka fuliyeen dekeda magaalada Boosaaso.
Taliyaha laanta ilaalada canshuuraha Axmed Cabdi Sugulle ayaa maalintii isniinta laga reebay dayuurad uu u soo raaci lahaa magaalada Muqdisho, iyadoo saraakiisha dembi baaristu sheegeen in ilaa amar danbe aanu gurigiisa ka bixi karin.
Hase ahaatee Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu jebiyey amarkaas gurigiisana ka baxay, waxaana laga soo qabtey guri kale, waxaana loo taxaabay xabsiga ciidanka Booliska.
Sugulle oo muddo ku noolaa qurbaha ayaa waxaa uu ahaa nin si weyn ugu dhawaa Madaxweyne Cabdiweli Gaas
Ninkan iyo sarkaalka kale ayaa lagu eedeeyey iney sameeyeen waraaqo been abuur ah, waxayna foojar gareeyeen saxiixa Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe kaasoo ay kula baxeen gawaari si canshuur dhaaf ah lagu sii daayey.
Waxay wararku sheegayaan in xoogaa lacag ah ay milkiilaha gawaarida banaanka kaga qaateen, iyagoo Sidoo kale warqadda ay kula baxeen gawaarida ay ku dareen lifaaq ka yimid Madaxweynaha oo isaguna la beem abuuray.
Waa markii u horeysey ee maamulka Cabdiweli Cali Gaas qof uu qabto ama shaqada ka cayriyo arrimo la xiriira musuqmaasuq.
Waxaa socda baaritaano la xiriira cidii masuuliyiintan ku wehlisay musuqa lagu qabtay iyo mudada ay arrimaha noocan ah socdeen, waxayna arintan la yaab iyo fajac ku noqotay masuuliyiinta maamulka Puntland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com