Cilmi baaris cusub oo la sameeyey ayaa shaaca ka qaaday in kiimikooyin dhowr ah oo soo gala jirkeenna, sida maaddada bisphenol A (BPA) iyo sunta dioxinoo ku jira waxyaabaha aan sida joogtada ah u isticmaalno, ay sababaan inay hoos u dhacdo tayada awoodda raganimada.
Majalladda “Environment International”, oo Cilmi baaristan daabacday ayaa lagu ogaaday ilaa 9 kiimiko oo sidoo kale uu ka mid yahay xanuun baabi’iyaha sida wayn loo isticmaalo ee paracetamol-ka ay ragganimada hoos u dhigaan.
Waxaa kale oo kiimikooyinkan ku jira maaddada phthalate ee loo adeegsado jilcinta waxyaabaha ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubto.
Khubarada ayaa sheegay in isku darka kiimikooyinka ay ka kooban yihiin walxahan ay saamayn ku yeeshaan habka ay u shaqeeyaan unugyada taranka ragga ayna yareeyaan awoodda shahwada.
Waxaa Daraasaddan markii la sameynaayay la isticmaalay kaadi laga qaaday 98 nin oo ay da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 30 sano oo ku nool dalka Denmark, iyadoo lagu ogaaday in kiimikada ugu halista badan ay tahay maaddada BPA oo loo isticmaalo qalab badan oo ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubo, caanaha warshadeysan iyo konteenarrada yar yar ee raashinka lagu qaato.