Allbanaadir.com
NEWS

Ku-simaha Duqa Muqdisho oo furay tababar loo qabtay guddoomiyaasha degmooyinka (Sawiro+Video)!!

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta daah furay Tababar loo qabtay guddoomiyaasha degmooyinka iyo agaasimayaal katirsan dowlada hoose kaas oo lagu soo bandhigayay sida ugu macquulsan ee loo hirgalin karo qorshaha horumarinta Caasimadda ee shanta sano soo socoto oo maal mihii danbe maamulka ku hoolanaa,

Ujeedka qorshahaani ayaa ah mid uu maamulka gobolka Banaadir ku doonayo in uu ku horumariyo bilicda Caasimadda iyo adeegyada kale ee aas aasiga ah,

Shirkani waxaa goob joog ka ahaa Mr. romad oo ah taliyaha sare oo dhinaca horumarinta ah kaas oo maamulka gobolka Banaadir ka caawinayo fulinta qorshahaani.

Shirkani markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta u sharxay Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir mudane Xuseen Maxamed Nuur.

https://youtu.be/23gJw7R33yA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Cabdi Cade

Mahadi Guuleed oo isaga tagay Muqdisho iyo Xoggo kasoo baxaya Sababta uu u baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---