Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii labaad ka socda xarunta madaxtooyada, uuna guddoominayo madaxweynaha JFS, ayaa maanta looga hadlay arrimo dhoor ah oo ay kamid aheyd xaaladda abaaraha dalka.
Waxaana shirka maanta ka qeyb galay oo warbixin looga dhageystay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Ergayga ayaana madaxda golaha Wadatashiga Qaran warbixin ka siiyay xaalada abaaraha dalka ku dhuftay iyo sida uu hadda u socdo dedaalada loogu gurmanayo dadkaasi, waxa uuna xusay in xaalada kasii dari karto haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo xarunta Madaxtooyada, waxaana madaxda shirka u socday soo saari doonaan war murtiyeed ay si wadajir ah isugu raaceen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com