Magaalada Hargeysa waxaa ka taagan xaalad siyaasadeed oo kacsan oo u dhaxeeya xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaana xiisada ka dhalatay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Madaxweynaha.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Xassan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gurigiisa lagu soo weeraray gaari uu leeyahay wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdi qani Maxamuud (Caateeye).
Waxa uu sheegay guddoomiyaha Xisbiga Waddani in uu ka badbaaday shirqool lasoo maleegay oo lagu doonayay in lagu dilo, waxa uuna xusay in uu ka maqnaa gurigiisa xilliga lagu soo weerarayay gaariga wasiirka gaashaandhigga.
Xirsi Xaaji Xassan ayaa sheegay weerarkan fashilmay in ay noqoneyso markii saddexaad oo uu fashilmo isku day lala damacsanaa in lagu khaarijiyo ama la cabsi galiyo hoggaanka xisbiga mucaaradka ee Waddani.
Dhinaca kale wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdi Qani Caateeye ayaa dhankiisa sheegay in la buun buuniyay gaarigiisa ku dhacay guriga guddoomiyaha Xisbi, waxa uuna ku tilmaamay in arrintaasi ku dhacday qaddar alle balse aysan aheyn mid la qorsheeyay.
Waxa uu sheegay wasiirka in arrintan la buun buuniyay ayna waxba ka jirin in weerar la qorsheeyay lagu qaaday guriga guddoomiyaha xisbiga Waddani, waxa uuna xusay in warkan yahay in xaalad abuur ah.
Maamulka Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka ayaa u dhaxeeya khilaaf salka ku haya qabsoomida doorashada Madaxweynaha Somaliland oo lagu ballansanaa in ay dhacdo bisha November ee sannadkan, mana muuqato in doorashada xilligaasi dhaceyso.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=s59OWj4ctOw&t=1s