Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaalad adag oo soo wajahday ciidamada Ukraine ee Ruushka la dagaalamaya (Sawirro)

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in ciidamadooda ay gabaabsi ka yihiin saanadda dagaalka, xilli ay dagaallo culus kula jiraan ciidamada Ruushka ee duullaanka ku soo qaadday.

Vitaly Kim oo ah Gudoomiyaha gobolka Mykolaiv ee jiidda hore ee koonfureed, ayaa sheegay in dagaalku uu noqday dagaal madaafiic la isku adeegsado .

Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Ruushka ay aad uga awood badnaayeen, halka ciidamada Ukraine ay ka sii dhamanayaan madaafiicda.

Waxa uu ku booriyay xulafada reer galbeedka in ay soo dedejiyaan inay soo gaarsiiyaan hubka riddada dheer iyo rasaasta si ay uga caawiyaan Ukraine in ay qaado weerar rogaal celis ah.

Dhinaca kale, Maamulka la wareegay magaalada Kherson ee koonfurta dalka Ukraine, ayaa qabtay xaflad ay ku bixinayaan baasaboorkii uggu horeeyey oo Ruush ah, oo la siiyey 23 qof oo daganaa magaalada.

Madaxa deegaanka, ayaa xafladda ka sheegay in dhammaan saaxiibada reer Kherson, waa sida uu hadalka u dhigaye, iney jecel yihiin qaadashada jinsiyadda dalka Ruushka.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo baaq kasoo saartay xaalada adag ee ka taagan magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Wasiir & Masuuliyiin dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka Hotelka Elite (Magacyada)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo Wadahadal la yeeshay António Guterres iyo Xogta waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---