Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubnaha Golaha Shacabka oo beri yeelanaya kulan qodob xasaasi ah looga hadlayo

Xildhibaanada golaha shacabka baarlamanka Somalia ayaa beri kulan xasaasi ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlayo qodob xasaasi ah.

“Xildibaano Beri oo Axad  ah Tariikhdu tahay 12 June, waxaa jira Kulan weyne Wadajir labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray gudoonka golaha shacabka.

Agendaha kulanka ayaa lagu sheegay inuu yahay Akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda sanadka 2022-ka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey 26kii bishii hore miisaaniyadda dowlada ee sanadkan 2022-ka oo gaareysa ,($918.7M) ama lacag ku dhow hal bilyan oo dollar, waxayna noqoneysaa miisaaniyadii ugu badneyd ee loo ansixiyo dowladihii kala dambeeyey ee Somalia soo maray.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Pier Mario iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu Sheekh Aadan Madoobe kala hadlay wafdigii ka socday ururka EAC? (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirkad Diyaaradeed oo 75-sano kadib Hawada ka baxday iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---