Allbanaadir.com
NEWS

Hab-dhowraha Aqalka Sare iyo kuxigeenkiisa oo la ansixiyay (Sawirro)

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad ayaa meel mariyay hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.

Fadhigii Guud Golaha Aqalka Sare waxaa guddoominayay guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaana maanta fadhiga soo xaadiray 39 Senator, waxa ayna ayay goluhu xilka hab-dhowrka u ansaxiyeen:-

1- Senator Samsam Ibraahim Cali Hab-dhowraha Aqalka Sare.
2- Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama) Hab-dhowre ku xigeen.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaan wax kulan ah yeelan tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya 15-kii bishii hore ee May, waxa ayna golaha Aqalka sare hada bilaabeen shaqadooda caadiga aheyd.

Related posts

Al-Shabaab oo shaacisay Magacyada Masuuliyiin dhimasho & dhaawac uu ka soo gaaray qaraxii shalay

Caydiid Ali

Meydka Kibaki oo lagu soo bandhigay Nairobi & Madaxweyne Kenyatta oo (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukuumada oo ka hadashay in ay ka laabaneyso Dacwada Badda ee Kenya kala dhaxeeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---