Allbanaadir.com
NEWS

Shika Wadatashiga Qaran oo ka furmay Villa Somalia iyo Qodobabada looga hadlayo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay shirka gollaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan R/W Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir
 
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka, waxaa diiradda lagu saarayaa howlaha hortabinta u leh dhamaystirka dhismaha qarannimada Soomaaliyeed sida arrimaha dastuurka, federaalaynta, doorashooyinka, amniga, garsoorka, abaaraha iyo qodobbo kale.
 
Shirka oo socon doona muddo 2 cisho ah waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed ay isku raacsan yihiin oo ku saabsan qodobbadii looga wada hadlay mudda labadan cisho uu socdo .
 
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana shirkan guddoominaya markii ugu horeesay tan iyo markii dib loo doortay, waxa uuna Madaxweynaha madaxda dowlad goboleedyada ka dalbaday si dhaw ula shaqeeyaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Madaxweyne Biixi iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Addis ababa? (Sawirro)

Caydiid Ali

DF & Heyaddo wadajir u codsaday $1.08 bilyan oo dollar & Sababta ka dambeysa (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---