Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaloiya oo ka hadashay wararka sheegaya in la fasaxay Jaadka Kenya

Warbaahinta dalka Kenya ayaa shalay baahiyay war ku aadan in dowladda cusub ee Soomaaliya xayiraada ka qaaday jaadkii laga keeni jiray dalka Kenya oo horey dalka uga mamnuucday dowladii uu hoggaamin jiray Madaxweyne Farmaajo.

Sargaal sare oo katirsan dowladda Soomaaliya aadna ugu dhaw dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ay socdaan wadahadalo labada dal uga arrinsanayay fasixida jaadka iyo arrimo kale.

Waxa uu sheegay sargaalkan in Kenya dooneyso in dib loo fasaxo jaadkii ay Soomaalida keeni jirtay waxa uuna xusay in Soomaaliya dhankeeda ay jiraan dalabyo ay rabto kuna bedelato fasaxida jaadka Kenya.

Dowladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa codsatay in laga qaado xayiraadda saaran dhoofinta qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka ee dalkeeda.

Madaxweyne Farmaajo maamulkiisa ayaa dalka ka mamnuucay jaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, waxaana taasi badalkeeda Soomaaliya loo fasaxay in la keeno jaadka loo yaqaan hareriga ee laga keeno dalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo qirtay khasaaraha kasoo gaaray Weerarka Ukraine iyo Belarus oo gantaalo ku…

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Joachim Waern iyo xogta waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Xildh. Odowaa: “Farmaajo waxay shaqadiisii ku dhamaatay inuu difaac ka galo Isgoyska Dabka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---